Abwaan Basbaas Oo Geeriyooday
Allaha ha unaxariistee
waxa xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa
abwaankii caanka ahaa abwaaan ismaciil cabdi guure oo ka magac dheeraa abwaan
basbaas kana mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee Hobolada waabari kuwaasi oo ay
ku jireen fanaantii ugu caansanaa geyiga somalida abwaanka ayaa mudooyinkii
danbe ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa isagoo xaalad caafimaad u yaalay doctorka weyn ee hargeysa abwaanku sida aan
filayo waxa uu fanka ku soo biiray horaantii 1955 waqtigii la aasaasay
walaalaha Hargeysa wuxuuna ahaa majaajilayste ka qayb qaatay ruwaayado
farabadan oo la jilay waxaanu sameeyey heeso badan oo ay ku luuqeeyaan fanaanin
caan ah ilahaay ha unaxariisto janadii fardowsana ha ka waraabiyo marxuumka