Sunday, June 5, 2016

Ramadaan waa bishii khayrka 











iyo samirka,waa bil la furo dhammaan albaabada jannada lana xiro dhammaan albaabada naarta, labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:hadduu ramadaan yimaado waxaa la furaya albaabada jannada, waxaana la xiraya albaabada naarta,shayaadiintuna waa la xirxiri,Ilaahay wuxuu bishan ramadaan uu laballaaba ajarka iyo xasanaatka,labada sheekh saxiixooda waxaa kaloo ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qofkii sooma ramadaanka isagoo ay ka tahay rumayn uu Ilaahay rumeynayo iyo ajar doonis waxaa loo dhaafa wixii denbi ahaa ee uu horay u galay.

 

Soonku ma’ahan oo keliya in laga soomo cunto,cabbid,galmo inta la sooman yahay iyo hadallada xunxun ku dhawaaqiisa,sida xanta,beenta iyo isku dirka,xataa qofkii ku soo gardarraysta ama afkiisa wax xun kaaga yiraahdo,waa in aad ku tiraahda waan soomanahay, macnaha ma karo in aan ku caayo ama in aan kula dagaallamo soonka daraadii,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: haddii uu qofku sooman yahay, yuusan hadal xun ku hadlin,haddii la caayo ama lala dagaallamo ha yiraahdo waan soomanahay,waan soomanahay,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay Sahal bin Sacad Al-Saacidi Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:jannadu waxay leedahay sideed albaab,waxaana albaabadaasi ka mid ah albaab la yiraahdo Al-Rayyaan,waxaana galaya oo keliya dadka Allah dartii u sooma.

 

Waxaa dhici karta in qaar naga mid ah aysanba kala furin kow iyo toban (11) bilood kitaabka qur’aanka oo xataa aysanba isku dayin in ay hal jus ka akhriyaan,Allah baana arrintaasi ka magangalnaye,sidaas daraadeed bishan oo ah bishii qur’aanka waa in uu qofku ka faa’idaysto oo uu akhriyo qur’aanka,dabadeedna uu ku caadaysto akhriskiisa kuna camal falo, cajaladaha (cassettes) iyo CDyada heesaha ugu duubana uu ku beddalo qur’aanka iyo axaadiista nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,nebigeenuna wuxuu habeen kasta bisha ramadaanka uu la kulmi jiray Jibriil caleyhissalaam,wuxuuna ka baran jiray qur’aanka, asxaabta nebigeenana iyo taabiciintuba waxay bisha ramadaan kordhin jireen qur’aan akhriska,innaguna sidaasoo kale ayaa nalaga doonaya,waana in aan bisha ramadaan mashquul ku noqono qur’aan akhris iyo samayn waxyaabaha khayrka ah.

 

Waxaa nasiib xumo ah in dadka qaarkii ay ramadaanka ku soo dhoweynayaan daawasho aflaam iyo musalsal tvga ah oo wada xaaraan ah,kuwona waxay ku soo dhoweynayaan cayaar iyo sheekooyin maala yacni ah iyo iyagoo nafta isaga qaadaya wax aan sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama ka mid ahayn,waxaa iyana la arkaya in dadka qaarkii marka la gaaro bisha ramadaanka ay dhinac iska dhigayaan wax kasta oo howl ah,waxayna waqtiga ku luminayaan hurdo badan iyo cayaar badan,waxaa kuwaasi ka daran kuwo qaarkood oo bisha ramadaan oo keliya tukanaaya,marka la afurona oo soonkii laga baxo ay laallaabayaan salaadda,kuwo qaarkoodna waxay isku wadayaan xaaraantii ay ku jireen iyo soonkooda,sida cabbidda khamriga ama sigaarka ama qaadka ama separateka ama cayaaridda khammaarka iyo wax la mid ah,waxaa ka sii daran kuwo inta ay soomaan bisha oo dhan haddana maalmaha cidda ku afura waxyaabo munkar ah,iyadoo uu shaydaanku u diyaarinayo heeso,cayaaro oo niman iyo naago isla cayaaraya ama daawasho naago qaawan oo heesaya ama cayaaraya.

 

Allahayow,adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu siia,cadaabta naartana naga fogeey……………….Aamiin

 

No comments:

Post a Comment