Sunday, July 10, 2016

"SIYAAD VS ABWAAN HADRAAWI"


markiii la afganbiyey dawladii madaxweynaha uu ka ahaa AHN cabdirashiid cali sharmaake 1969kii dadkii soamliyeed ee wagaa u nuglaa siyaada aad ayaa ay usoo dhaweeyeen walow ay ka xumaayeen dilkiii loo gaysatay marxuuum sharmaake AHN. .






xukuumada uu gadhwadeenka ka ahaa sharmaake waxaa ay caan u noqotey musuqmaasuq hadheeyey dhamaan bullshada somaaliyeed ee waqtigaa , walow hadana ay dadku badi sheegaan in madaxweyne sharmaake uu ahaa madaxweynihiii ugu caadalisanaa ee soomara madaxweynayaashii somaliya hadan xukuumadiisa ayaa ay guud ahaan hadhaysay musuq baahsan taasina ay sababtay in dad badan ay soo dhaweeyaan markii dawladadii kacaanku dhalatay 21 october 1969 kaasi oo madax ka noqdey Gaashaanle sare maxamed siyaad bare AHN oo hogaaminayey dalka mudo ku siman dhowr iyo laabatan sano dadku badi waji furan ayaa ay kusoo dhaweeeyeen waxaanaya k filayaan dawladaa militariga ee dhalatay mid ka rajo fiican tii madaxweyne sharmaake lakin sidii la doonayey uma dhicin waxaanay ay dadku kala kulmeen waji gabax iyo dictaatayrinmo.
waxaa ka mid ahaa dadka sida aad ah u soo dhaweeyey xukuumada kacaanka abwaanka weyn ee maxamed ibraahim warsame hadraawi oo ka mid ahaa dadkii aadka ugu sacab tumay dawladii miliatiga heesana kusoo dhaweeyey lakin gadaal kaga quustay dhibtiii ay markiiba ay kula kacday shacaba sooomaliyeed hadraawi dhowr jeer ayaa la xidhay intii uu siyaad bari xilka hayey hadaba waxaa ka mid ahaa heesihii abwaan hadraawi uu ksuoo dhaweeyey dawladii kacaanka lakin markii danbe lid noqotey abwaankuna ku mutaystay inuu xabsiga ku galo. heestan oo lagu magacaabo "Hadii Ceel Walwaalee" waxaa ku luuqeeya fanaankii weynaa ahn muuse ismaciil qalinle waa tan midhuhuna
Heestan “HADDAY CEEL WALWAALEED” waxa tiriyey HADRAAWI
waxayna ahayd ANTI ama mucaarad waqtigii ay soo baxday. Abwaanku wuxuu
sheegayaa inuu markii hore aad ugu farxay dhalashadii Kacaankii 1969 ee uu
hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre (AHUN) laakiin wuxuu tilmaamayaa in arrintii
is beddeshay oo uu dareemayo khatar soo kordhaysa ayna fog tahay nabaddu
maadaama Siyaad Barre la soo baxay kelitalisnimo iyo cadaadis. WAANA KUWAN ERAYADA HEESTA OO SAX AH:
Wahe dhalashadaadaanFarxad waalan gaadhoo
Weedhkiyo dabaylahaAma weriyahaagiiGoortaan waraystaaWerwer ii dhammaadooWahab layga qaadooLugtu weerar mooyeeWahsigii illowdooWadar iga lib-haysaanWiil curad sidiisaanWanan kuu bireeyooWaayeel duceeyaanWacayoo u yeedheeWalqashaadii maadaaCunay waaxyaheedii?
Weger iyo ka waaweynTani waa ka waasacanHadday ceel WalwaaleedKu go'aan wadaamuhuWaan-waani dhacanteeWadnahaan far ku hayaa.
Inkastaanu weydeyn
Waranlaha ilaashaa
Waadaasha xooluhu
Iyadaa waraabaha
Wehelkeeda mooddoo
Woohowda diiddee,
Waddo halaq nin moog baa
Waabay ka leefee,
Wed hadday ka nooshahay
Waageed ha gaadhoo
Waxaraha ha raacdaan
Wakhti kuugu simayee
Goormaad wadaadkiyo
Weliyada sidoodii
Ii waaninaysaa
Wacdi ii furaysaa
Werdi ii rogeysaa
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan far ku hayaa.
Isla-weyn qabkeedaa
Wiyil aan jaraysnayn
Ugu wadha maqaarkoo
Lugta webi u geliyee,
Haddaan weel gun laga tolin
Waayaha adduunyada
Xog-ogaal la weydiin
Ruuxii gu'kaa weyn
Lagu odhan wax ii sheeg
Taladaadu wiilooy
Dalab waayi maysoo
Qofna waari maayee
Mudanaha walaalkaa
Haddii weerar lagu dilo
Isha lalama waabtee
Weerkiyo baroorta
Dadka lala wadaagaa.
Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go'aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan far ku hayaa

inagana waxaa inaga xasuusa waqtigii dawlada madaxda ka ahaa daahir riayaale kaahin in musuqmaasuqu gaadhay halkii igu saraysay iyada oo ahayd waqti aad u xun oo  shacabku ay aad nuceen madaxweyne riyaale iyo xuukumadiisii waagaa dadku waxaa ay u sacab tumayeen  Xisbiga kulmiye oo waqtigaa gadhwadeen ka ahaa madaxweyne  hada xilka haya ee axmed siilanyo dadku aad ayaa ay ugu hanwaynaayeen in xilka loo doorto uu noqdoana madaxweynihiii  badalihahaa madaxwseyne riyaale arinkuna waa kii sidii u dhacay ee madaxweyne siilaayo loo doortay xilka madaxweynimo 26 june 2010 waqtigaasi oo ay dhacday doorashiiidii madaxweynuhu dadku waxaa ka sugayeen madaxweyne siilanyo marka xilka qabto in uu isbadal farabadan usamayn doono qababka ala duwan ee nolosha somaliland lakin sidii arinku uma dhicin iyada oo ay noqon weyday yididiiladii laga filayey madaxweyne siilaanyo waxaanay noqotey waqtigii ugu darnaa aee abid soo mara waxaananay noqotey kud ka guur oo qanjo uguur waa markii ugu horeysay ee kumanaan dhalinyaro reer somaliland ah ay ku madhaan bada iyaga oo ka rajo beelay hankii weynaa  ee ay ka filayeen madaxweyne siilaanyo..

No comments:

Post a Comment