Thursday, December 27, 2018

Taariikha Guud ee noloshayda ,qoyskayga iyo waayahii qaxootiga dulcad aan ku jirnay 1989-2018


Waxaan ku bilaabayaa magaca eebahayga weyn
Eebaha leh Naxariis guud ee wayn (U naxariistaha Uunka oo dhan).
Eebaha leh Naxariis gaarka ah (U naxariistaha Mu’miniinta).
Eebaha ah Boqorka, Fuliyaha amarkiisa.
Eebaha ah Daahirka, kana dheer xumaan iyo nuqsaanba.
Eebaha nabadgaliya Mu’miniinta, kana hufan Xumaan oo dhan.
Eebaha run ka sheega naftiisa iyo wuxuu ballan qaado.
Aniga oo dib u tixraacaya noloshaydi hore iyo tan danbe ee  haatan ku jiro waxaan jeclaan laha in aan halkan nigula wadaago taariikhda qoyskayga  tii noloshaydaba iyo waayahi nololeed ee aan kusoo qaadayn xeradii qaxootiga ahayd ee Dulcad taasi oo aan Tagnay intayna dhicin dawladii dhexe ee somaliya , waana waqtigii ay dagaalka ba’naa ay iskula jiraan dawladii afweyne  iyo mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa ee snm kuwaasi oo  dhamaan ka soo jeeday beesha aan ku abtirsado ee reer sheikh isahaaq kuwaasi ka biyo diiday nidaamki wax qaybsi iyo sidii wax u waday madaxweynihii  dawladii kacaanka ee  siyaad bare iyo maamulxumadii wadanka uu  ku maamulayey.
Ma xaqiqsan karo taarikhda dhabta ee aan dhashay lakin  allaha u naxariistee aabahay cabdilaahi yoonis sh xasan intuu nooolaa maalin aan weydiiyay waqtigii aan dhashay wuxuu ii sheegay in aan dhashay aakhirkii sanadkii 1989 kuna dhashay magaalada Gabiley waqtigaa aan dhashay oo ahayd waqti adag oo colaad adagi ka jirtey wadanka guud ahaan,  gaar ahaan Gobolada waqooyi ee soomaliya manta loo yaqaan Somaliland waxaa waqtigaa aan dhashay dagaal iskula jiray oo dagaalamayey beesha aan ku abtirsado ee reer sheikh isahaaaq iyo dawladii macangaga ahayd ee gadhwadeenka ahaa maxamed siyaad bare taasi oo laysku haysatay sida laygu waramay  cabudhin ,iyo hoos u dhigis lagu sameeyey Goboladaa waqooyi gaar ahaan magaalalooyinka  Gabiley.Burco,Ceerigaabo ,berbera iyo hargeysa.
Ma xasuusan karo dagaalka wajiga uu ku bilaabmay waayo waqtigaa uu dagaalku bilaabmay ayuun baan dhashay aad ayaanan u yaraa qof laba jir ama halsano jir ahna waxba aduunka kama ogo lakin waxa xogta oo dhan isiiyey hooyaday iyo aabahay allaha unaxariiste waxay hooyaday ii sheegtay in markii la qaxayey aan in yar ka danbaynay xaafadayada inteeda ,kale iyada oo taasi sabab u ahayd aniga oo waqtigaa nuujo ahaa oo aanan iska xamili karayn dabaysha iyo socodkii dheeraa eela donayey in la galo, waayo dadku badi markii ay talaabayeey dhamaan waa ay u lugeynayeen xeradii qaxootiga  ee Dulcad iyo xarta sheekha taasi oo dadka ugu wacnayd iyaga oo aan wax gaadhiya amaba hanti wadan u talaabi jirey waayo dadka waa la leynayey hadii wax hantiya amaba gaadiid lagu arko sida la ii sheegayna dadku waxay bixi jireen waqti habeenimo ah aniga hooyaday waxay ii sheegtay in galab casara ila talowday dhankaa iyo ethiopiya sida hooyaday ii sheegtay waxa safarka ku  wehelinayey dad qoyskayaga ka mid ahaa iyo dad jaar ahayn dadka jaarka ahayn waxaa ka mid ahaa allaha unaxariistee  aamina faarax shardi oo aan ilaahay ha unaxariistee 2009 ku duugnay mid ka mid ah xabaalaha qadiimaga ee gabiley iyada oo u dhimatay xanuunka kansarka waaxaa jiray dad farabadan oo safarka ku wahaliney hooyaday waxa ii sheegtay  in marka ay marayaan wadada boodhlay tagta oo waqtigaa iska ahayd  wado dhir badane ku beeran tahay waxaa ka soo hor baxay mid ka mid ah guutadii maxamed siyaad bare u fadhiday Gabiley sida hooyaday ii sheegtay waxay weydiyeen  halka ay ku socdaan hooyadayna waxay ugu jawaabtay in ay u caano donanayaan halkaa iyo boodhlay oo ah mid ka mid ah tuulooyinka ugu dhow magaalada gabiley waxaanay boodhlay dhacdaa konfurta magaalada hooyaday sida ay ii sheegtay waxay ragii askarta ah eek a hor yimid in ay u hanjabeen oo ku yidhaaheen kalmado ay ka mid ahaayeen qudhmis ayaad tihiin  qudhmista ayaad taageertaan lakin hoyaday iyo dadkii kale safarka ku wahelinayey mid koodna uma jawaab celin askarta faqashta ahayd sida ay hooyaday ii sheegtay waxa ku jiray askartaa u hanjabaysay nin aan jaar ahayn waqtigii dadla oo ahaa dadka deegaan ahaan nala daga beeshadayada jibril abokor inkasta aanay magaciisa ii  xusin lakin waxa uu ninkaasi ahaa dadkii dariska ahaayeen waqtigii dhulku nabada ahaa .
Nasiib wanaag hooyaday iyo dadkii safarka kula jireyba waa iska sii daayeen safarkoodiina waa ay iska  wateen ilaa ay gaadheen magaalada boqor oo  ahayd mid ka mid ah xarumihii ugu dhawaa ururkii dhaqdahqaaqa soomaaliyeed snm sida hooyaday ii sheegtay waxay halkaa ku kulmeen  askartii xaq u dirirka ahayd ee snm waanay soo dhaweeyaa iyaga oo in muda ah is waraysteen waxaanay raaciyeen gaadhi uu  lahaa  allaha unaxariistee nin la odhan jirey sabarad oo ahaa mid ka mid ah dadkii iga weynaa ee aan ugu hor bartay sida igu maqal ahayd sabarad waxa uu geeriyooday mudo hadeer ku siman laba sano oo noqonaysa 2017 bartankeedii isaga oo shil gaadhi ku geeriyooday  jidka taga magaalada wajaale.
Sida ay hooyaday ii sheegtay marxuumka sabarad waxa uu gaadhsiiyey ilaa iyo allaybaday intii dhexda ay ku jireene aad ayaa ay u wada sheekaysteen wuuna sii caawiyey markii ay dhexda kusii jireen isaga macal cunto iyo caanaba dhexda kasii siiyey ninkaa ilahay ha unaxariistee hooyaday waa ay mahadnaqday ana sidoo kale maadaama inkeediii aaan ahay waxaan u mahadanaqayaa ilaahayya ha unaxariisto , safarkoogii goor habeena ayaa ay galeen alllabaday halkaasi oo habeenkii ay u hoyden  allaybadayna waxa ay ahayd meelaha dhif dhifta ah ee mujaahidiintii snm  gacanta kaga hayeen tuulooyinka hoos yimaada magaalada Gabiley inkasta oo ay aad ugu dhawaayeen ciidankii faqashta ee ka hawlgalayey magaalada Gabiley.
Markii  uu waagii baryey ee salaadii tukadeen  bacda quraacdii ayaa ay hooyaday iyo dadkii kale ee safarka kula jiray u boqooleen ilaa iyo meeshii hadafkoo ahaa ee Dulcad oo ahayd meelihii ka qooxitaga ka so kaxa Gobolada waqooyi loogu samafali jirey dawlada Ethiopia ayaa halkaa ku caawin jirtey dadka ka soo qaxay dadku badi waxa ay u qaxeen sida igu maqaala magaalooyinka dulcad ,harta sheekha I,durya iyo daroor iyo xarshin dhamaan goobahaasi waxa ay ahaaayeen meelihii logu samo  bixiyey dadkii ka soo cararay colaadihii iyo dagaalki lagu hayey ee ay ku haysay dawladii macanga ahayd ee siyaad bare sida la ii sheegay  deegaanadaa ay dadku u qaxeen waxa uu  ku salaysanaaa hab qabaa ila sida beesha habar awal waxay badi u qaxday dulcad , harta sheekha ilaa durya beesha Graxajisna iyo habarjeclo waxay u qaxeen daroor beesha carab iyo ayuub sheikh isahaaqna waxay u qaxeen  kaambkii qaxootiga ee xarshin reeraha yaryar ee ku abtirsada sandanada reer sheikh isahaaq  sida toljeclo waxay iyaguna   lakala qaxeen qaybaha kala duwan ee beelaha reer sheikh isahaaq  dagaalka waqooyiga somaliya ka socday waxa uu ku koobnaa kaliya beesha reer isahaaq iyo inta deegaan ee ay ka dagaan waqooyiga somaliya dagaalku ma saamayn reeraha waaweyn ee ladaga beesha reer sheikh isahaaq sida beesha samaroon iyo dhulbahante oo iyagu nabad ku joogay deegaankooda iyago macal wax afeeef ah u dhigan walaalahooga gumaadka lagu hayey.
Sida aan filayo waxaan anaga iyo hooyaday gaadhnayba magaalada dulcad   bartankii sanadkii 1989 dulcad waxay ahayd meelaha ugu weyn ee lagu kaalmeeyo dadka qaxootiga ahaa eek a soo qaxayey magaalooyinka Gabiley, Hargeisa ,Berbera.
Inkastoo aad u yaraa waqtigaa la tagey dulcad dadaynuna aad u yarayd anagi oo waqtigaa da daynu ahayd halsano markii la tagayey  dulcad  wax fikir ah  oo aan ka haystay ma jirin lakin mudo markii aan ku noolayn halkaa ayaa yara caqliyeystay waxaanan ka mid ahaa dadka ilaahay ku manaystay garaadka iyo xasuusta amigo oo laba jira Ayaan waxkasta sii xasuusta markasta oo hooyaday dib u wey diiyo waxyaalihii markii aan yaraa arki jirtey waxay igu oran jirtey qof ayaad ka maqashay  waanay ila yaabi jirtey waayo waa dhaboo qof laba jira side ayuu waxkasta u xasuusan karaa dadaasina waa da aad u yar oo qofku waxba aanu kala garan Karin gaar ahaan waxaa deegaankiisa ka dhexsocdo lakin waa haybad ilaahay siiyo dadka qaarkood waxaaan ka mid ahaa dadkaa ilaahay ku manaystay garaadka iyo xasuusta ila waqtigan marka aan dadka facayga ah uga sheekeeyo waqtiyadii hore macal kuwa isku dada nahay waxay igu yidhaahdaan nin weyn ayaad tahay  dadka soomalidana waxaa ku badan wax magaratada oo qofka intelligenka aha badanka uma amaanaan waxaa ilaahay ku manaystay.
Hadii aan dib ugu noqdo  dulcad markii aan tagnayba waxaan ku biirnay liiska qoxootiga xerooyinkii ka diiwaangashanaa magaalada , waxaaanan ku kulnay halkaa walaalahay iyo aabahay  dhamaantood iyaga oo naga soo horeeyey magaalada iyagu waxay soo raaceen dad kale waayo dhamaanteed maanu kasoo wadabaxayn magaalada Gabiley iyado taasi aan u aanaynayo iyada oo waalidkay ka baqayeen in lanala dilo waayo meel kasta cadawga ayaa joogay markaa sidaa awadeed kali iyo labo labo Ayaan usoo baxanay oo dad ay waalidkay isku macaarif ahaayeen ayaa ayaa nagu kala daray iyo qayb aaabahay la talaabayba dib ayaanan waqtiga u midownay walaalahay waqtigaa la qaxayey waxaa uu qoyskaygu ka koobnaa  8 qof hooyaday iyo aabahay iyo walaalahay oo kala ahaa maxamed ,nimco nuura ,xamse maxamuud iyo walaal kay idiris oo gadaal qoyska ugu soo biray.
Dulcad waxaa ay noqotay meel ay ku kulmaan dadyow kala duwan  oo ka yimid meelihii dagaalku ka socday iyaga oo  ahaa dadkaasi dhamaan kuwo dhib farabadan kala soo kulmay  safarkii dheeraa ee ay usoo mareen wallow qaarkoodna nasiib xumo waxa lagu dilay jidkii ay soo marayeen waxaana dilay ciidan macangaga ahaa ee siyaad bare usoo diray Goobihii dagaalku ka socday.
Guud ahaan dadkii halkaa iskugu yimid waxaa caawin jirey dawlada Ethiopia oo kaashanaysa beesha caalamka sida igu maqaal aha waxa dadka li diiwangaliyey la siin jirey qadar cunto ah oo ay ku xidhnay qoyskasta intuu ka kooban yahay  ,  todobaadkiina halmar ayaa la siin jirey dadku waxay isticmaali jireen  farsamo ah inta ay u yeedhaan dad aan qoyska ahayn ayaa loo diiwangalin jirey waxaana halkaa lagu siin jirey cunto fiican oo ku filnaanaysa in mudo ah  sida igu maqal ah waxa dadka cuntooyinka loogu qaybin jirey ka mid ahaa sida saliid la odhan jirey batar oo xitaa la isticmaali jirey waqtigii dalka lagu soo noqday ,misir boorash iyo buskudo loogu talagalay caruurta yare ee ay nafaqo daradu haleeshay .
Inkastoo xogta dhamaanteed aan hayn lakin waxaan halkan ku xusayaa uun intii igu maqal ahayd iyo intii aan xasuustaba yaraantaydii  xeradaa dulcad waxa ay ahayd meel dadku ay aad ugu dhibanaayeen iyada oo ah meel   caafimaad aan fiicanahayn waayo dadka oo aad u badnaa waxaana xeerooyinka qaar ka dilaacay cuduro kala duwan kuwaasi oo dad badan ku dhinteen waxa la ii sheegay in cudurada inta ugu badan dadku u dhinteen ay ka mid ahaayeen joonis cadka oo dad farabadan ku laayey dadkaa uu  dilay cudurkaa jooniska waxaa ka mid ahaa inaadeerkay axmed cali cisman sheikh xasan  oo ka mid ahaa doctoradii caanka ahaa dawladii siyaad bare,  markii danbena ku biiray ururkii dhaqdhaqaaqa soomaliyeed ee snm cudurada  sidoo kale dadku laayey xerooyinkii qaxootiga waxa ka mid aha shuban biyood kaasi oo ay u dhinteen caruur farabadan oo ka mid ahaa kuwii lala yimid xerooyinka iyo kuwo ku dhashayba waxaa kale oo ka mid ahaa cudurada dadka aad u laayey cudurka Tbga kaasi oo  aan ka mid ahaa dadkii ay isiibtay  lakin nasiib wanaag ilaahay waa iga daweeyey waaana markii aan yara caqliyeysastay waxaanan filaa in ay  taariikh ahaan ku began tahay 1993 kii sida aan filayo ma sixi karo lakin qiyaasta xaqiiqda ee aan ku tilmaami karo ayaa ay noqonaysaa taariikhdaa ku sumadaysan kor  anagu  reerkayagu ka hor intaan xanuunka Tbgu igu dhicin waxaan daganayn magaalada durya iyo iyaduna wax sidaasa aan ka fogeyn xeradii qaxootiga ee dulcad aabahay allaha  unaxariistee cabdilaahi yoonis waxa uu Tuuladaa durya ku haystay Tukaan yar oo dadka Qaxootiga ah  ka adegsan jireen waxaan xasuustaa maalmahaa dhaxanta igu dhacday  aabahay waxaa uu siiyay wiqiyad subag ah dabadeedna  markii aan liqay subagii inyar ka bacdi waxa iga yimid dhiig farabadan sanka ilaa iyo in mudo ah iga socday  aabahay allaha u naxariistee waa uu I jiifiye dhulka in doorana  markii aan jiifeyna dhiigi waa uu istaagay ka bacdi maalmo ka bacdi Ayaan dareemay xumad aada mana jirin wax dhaqtar ahaa oo ka dhawaa meeshaa aan daganayn aabahay aroornimadii danbe amigo oo aad u buka ayuu ila lugeeyey waan sii xasuustaa wax uu igu qaaday  garabkiisa sare waxaanu ila lugeeyey ilaa iyo harta sheekha oo iyaduna ahayd meelihii camirna ee dadka qaxootiga ahaa ay daganaayeen intii aan socodka ku jirnay waan sii yara xasuustaa waxaa dagay maalmahaa roob xoogan dhulkuna waxay wada uu ahaa dhiidhi socodkana qofka waa uu ku adkaa abaahayna aayar ayaa ila socday ma iloobo intii aan sii soconay mar aan agmaranay dhijaanbo biyo fadhiisteen ayuu aabah inta uu soo foorariyey ayaa uu igu yidhi ma kugu tuuraa iyada oo uu aabah ila ciyaarayey  ana waan yara naxay mana iloobo waana mid ka mid ah shayada aan aadka u xasuusto aabahay iyo anuguba waxaan gaadhnay magaalada harta sheekha oo iyadana ka furnayd xerooyinkii barakacaayshu aabahay isla markii aan gaadhnay magaaladii waxa uu I geeyey mid ka mid ah dhaqtaradii caanka ka qaxootiga  manta waxa uu ka mid yahay dhaqtarada ugu caansan eek a hawl gala magaalada Gabiley magaciisuna waa waa  Dr isaaq Jibriil kaahin oo aad wada garanaysaan sida aan filayo markii aan dhaqtarkii aan tagnaynaba  aabahay aad ayuu usoo dhaweeyey waayo waxay ahayeen aabahay dad isku ehela ama isku caailad ah  oo aabayaashoodna meel kuwada noolaayeen  waqtiyadii hore  inkasta aabahy ka weynaa diktoorka in doora hadana waxay ahaayeen dad noloshoodii hore ku soo wada qaatay wajaale iyo Gabiley intaa ka bacdi dr isaaq waxaa uu I wareejiyey dactar xabashi ah oo meesha fadhiyey luuqada af ingiriiska ayaa ay isku fahmayeen isagaana aabaha u kala turjumayey  waan sii  xasuusta qalabka dhabarka ama feedhaya la isk saaro waqtiyada uu qofku ka jiran feedhaha ayuu ii saaray in doorana kolba meell ayuu I dhul dhigayey neefsana waa iigu lahaa anugu ma fahmayn lakin dr isaaq ayaa noo turjumayey kalmad kasta yidhaahda aabahay ayuu dib ugu soo celinayey abaahay same ayuu igu lahaa sida naqaska soo tuur Ayaan ka xasuusta su aalahan sii xasuusta ee aabahay lawaydiiyey waxaan ka xasuustaa hooyadii aaway aabahay waxa ugu jawaabay hooyadi waa ay dhimatay aabahay ilaahay ha unaxariistee kama ahayn xumaan lakin badanaa dadka ajaanibka  waxay jecel yihiin ama doonaan in ilamaha yar badi hooyadii wado hooyadayna waxa uu aabahay kaga  yimid caruurtii kale ee aan  walaalaha ahayn iyo  tukaankii  aan ku lahayn durya .
Ma jirin shaybaad casriya ,meesha sida aan filayo,  waayo meesha oo iska ahayd tuulo lakin markii dictoorkii in badan I rogragay ee uu I saaray qalabkii uu haystay waxaa uu aabahay u sheegay in ahayd xanuunkii I hayey  Tb , dawooyin farabadan ayuu isoo siiyey sidii Ayaan maalintii danbe aniga iyo aabahay uga soo amba baxnay hartii sheekha sidiina garabka ayuu ugu soo qaaday anaga oo sidana dawadii uu diktoorkii ethiopayanka ahaa noo qoray isla Goobtii ku bilaabnay waanan sii xasuusta  markii aan dawada cunayba waan yara nafisay markii aan qaatay dawada intii ugu horeysaba xumadii badnay ee I haysayna waa iga yara dagtay waxaan dib ugu soo noqonay halkii aan qaxootiga ka daganayn ee durya isku  socodku wuu yaraa dhulka wax gaadiida ma jirin inkastana dhulku sidaa u kala fogayn mana jirin wax aalada oo lagu wada xidhiidho waqtiguna ma ahayn sida manta aduunyadu marayso ee ishii aad kaga timaado gurigaaga aad  isla daqiiqada ku soo helaysid amaba laguugu soo dirayo  mana fududayn dhaqtarka in aad dib ula xidhiidho adiga oo dib ulugeeyo mooyee dawadii sidii ayuu aabahay igu siin jiray ilaahayna waa igu caafiyey ilaaha raxmaanka ah ayaa dadka caafiyee in mudano ahna waan qaadanayey sidii ayaanan ku dhamaystayna anigoo ilaahay casawajale igu caafimaadiyey kana soo kabmay sidi aan noqday aabahay allaha unaxariistee waxa uu ii sheegi waqtiyadii danbee ee dalka ku soo noqonay iyada aan sidaaba u sii fogayn marka uu iga waramayo  xanuunkuu waqtigaa igu dhacay in had iyo jeer igu tirin ilmo dhankaa iyo aakhiro u sii socda lakin ilaahay iskaga ayaa dadka dila sida uu quraanka ku xusayna qofkastaa waxaa uu leeyahay ajal cayiman oo aan marnaba ku soo dagdagayn dibna uga soo dhacayn waa run aabahayoo dadka bini aadamku marka qofku xanuunsado xanuun daran badanaa waxay ku tiriyaan in qof kaasi leeyahay ilgeeriyaad lakin ta alle ayaa taala................



Wednesday, May 16, 2018

Fadliga Iyo Faa’idooyinka Bisha Ramadaan


Fadliga Iyo Faa’idooyinka Bisha Ramadaan


Bisha Soon waxa ay leedahay Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aad iyo aad ayay u karaameysay waxayna diinta ay geesay Bishaan boos aad uweyn.
Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun sidoo kale waa bil Dulqaad maxaa yeelay,  qofka inta uu soomanyahay waxa uu dareemayaa Oon iyo Gaajo sidaas darteed,  oonka waxa uu qofka uu barayaa Dulqaadka oo wixii nafsaddiisa oo jecleyd oo dhan ayuu  ka tagayaa isagoo aaminsan inuu ilaahey dartiis u soomanyahay ajarna xisaabsanayo, sidoo kale gaajada waxay qofka ay bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.
Waxaa Maxay Soon
Soonka Luqada waxaa lagu dhahaa: Af heysasho oo micnaheedu tahay in laga tago xanta, cunista, iyo cabista intaas ayaa waxaa lagu magacaabaa dhanka luqadda Soon.
Waxaa Maxay Soon dhanka Sharciga
Soonka waxaa la dhahaa dhanka Sharciga: in la is kaga haro waxyaabaha wax afuriya sida cunista, cabista, galmada, beenta, ceyda, isku dirnimada laga bilaabo salaadda subax ilaa iyo inta qoraxda ay ka dhaceyso waa in laga haro wax yaabahaan.
Soonka waa cibaado waxa uuna yahay tiirka Afaraad ee tiiraraka islaamka waxa uu Alle ku waajibiyay dadka Muslimiinta ah, waxaana la waajibiyay Soonka sanadkii labaad ee Hijriyada.
Waa Maxay Tiirarka uu Ku Taaganyahay Soonka:
Soonka waxa uu ku taaganyahay saddex tiir oo waaweyn mid ka midana haddii la waayo soonka ma ansaxayo waxayna yihiin tiirarkaan:
  1. In laga haro oo laga fogaado wax walba oo soonka jabiya .
  2. In la niyesto Soonka, maxaa yeelay Niyo la’aan Soonka ma ansaxayo.
  3. In la helo qofkii Soomi lahaa, Soonka bani’aadamka ayaa lagu waa jib yeelay haddii la waayo bani’aadam Soonkana ma waa jibayo.
Waa Maxay Sharuudaha uu Soonka Ku Ansaxayo:
Soonka waxa uu leeyahay Sharuudo haddii la waayo sharuudahaan mid ka mida ma ansaxayo Soonka waxayna yihiin  Sharuudahaan:
  1. Marka hore waa inuu qofka Muslim yahay, maxaa yeelay qof gaal ah Soon maka ansaxayo.
  2. Waa inuu yahay qofka Qaan-gaar, uuna awoodo inuu soomo maxaa yeelay qof saqiir ah oo aan qaan-gaar ahayn Soon maka ansaxayo.
  3. Waa inuu yahay qofka qof Caqli leh, maxaa yeelay qof waalan oo aan caqligiisa aan dhameystirneyn Soon maka ansaxayo.
  4. Waa inuusan ahayn qofka musaafir, maxaa yeelay qofka musaafirka ah waxaa loo baneeyay inuu afuro markalana uu soo gudo.
  5. Waa inay gabdha ay daahir ka tahay dhiigga caadada iyo midka dhalmada, maxaa yeelay haddii gabdha ay qabto dhiig Soon maka ansaxayo.
Maxaa Buriya Soonka:
Soonka waxaa buriya waxyaabo badan oo hadda aan meeshaan lagu soo kobi karin, waxaana ka mida waxyaabaha ugu waaweyn ee Soonka buriya arrimahaan soo socda:
1 . in qofka uu is duro, ama daawo uu ka qaato sanka ama afka.
  1. Galmada iyo qarowga.
  2. Matag kas la iskaga keeno.
  3. Sandaarsiga oo lagu dheeraado iyo sigaar cabista.
5.in si kas ah wax loo cabo loona cuno.
  1. inuu yimaad dhiigga dhalmada ama midka xeydka.
  2. in dhiig qof kale loo shubo.
  3. in qofka uu is ka dhaqo killiyaha.
  4. inuu waasho qofka.
  5. qofka inuu diinta uu ka baxo.
  6. inuu miyir daboolmo qofka.
Waa Maxay Fadliga uu leeyahay Soonka:
Soonka waxa uu leeyahay fadli aad iyo aad uweyn fadligaasi oo uu helayo qofkii Sooma waxaana ka mida fadliga uu leeyahay Soonka:
1 . qofkii Sooma bisha Ramadaan isagoo rumeysan ajarna xisaabsanayo qofkaasi waa loo dhaafay dambigiisii hore.
2 . qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo.
3 . Soonka iyo qur’aanka Aakhiro way u shafeeco qaadaan qofka.
4 . Soonka waxa uu caafimaad u yahay Jirka.
5 . Soonka waxaa lagu dhaafaa dambiyada .
6 . Soonka qofka waxa uu siiyaa awood.
7 . Soonka waa gaashaan uu qofka uga gaashaanto Naarta.
8 . Soonka waa kafaaro gud, waxaa laguugu dhaafaa dhaaraha aad dhaarato.
Waa Maxay Faa’idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan
Faa’idooyinka Caafimaad uu soonka leeyahay waxaa ka mida:
1 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.
  1. Soonka waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka bani’aadamka.
3 . Soonka waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaco Maqaarka.
4 . Soonka waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhaco saableyda.
5 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.
6 . Soonka waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo sidoo kale xanuunada kala gowsyada.
7 . Soonka waxa uu yareeyaa dufanta tirada badan oo ku jirta jirka qofka taasi oo dhibaysa caafimaadka jirka.
Waa Maxay Astaamaha Ay Leedahay Bisha Ramadaan
Bisha Ramadaan waxa ay leedahay Astaamo badan oo lagu yaqaano waxaana ka mida Astaamahaas.
Bisha Ramadaan: waxaa la soo dajiyay Qur’aanka Kariimka.
Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Janada iyo Cirka.
Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Naxariista.
Bisha Ramadaan: waxaa la xiraa Al-baabada Naarta.
Bisha Ramadaan: waxaa la xirxiraa Shayaadiinta .
Bisha Ramadaan: Dad ayuu Alle Naarta ka xoriyaa habeen walba.
Bisha Ramadaan:  waxaa ku jira habeen ka qeyr badan kun bil.

Monday, March 5, 2018

Abwaan Basbaas Oo Geeriyooday





Allaha ha  unaxariistee waxa  xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa abwaankii caanka ahaa abwaaan ismaciil cabdi guure oo ka magac dheeraa abwaan basbaas kana mid ahaa abwaanadii caanka ahaa ee Hobolada waabari kuwaasi oo ay ku jireen fanaantii ugu caansanaa geyiga somalida abwaanka ayaa mudooyinkii danbe ku xanuunsanayey magaalada Hargeysa isagoo xaalad caafimaad u yaalay  doctorka weyn ee hargeysa abwaanku sida aan filayo waxa uu fanka ku soo biiray horaantii 1955 waqtigii la aasaasay walaalaha Hargeysa wuxuuna ahaa majaajilayste ka qayb qaatay ruwaayado farabadan oo la jilay waxaanu sameeyey heeso badan oo ay ku luuqeeyaan fanaanin caan ah ilahaay ha unaxariisto janadii fardowsana ha ka waraabiyo marxuumka 

Monday, February 26, 2018

ma jiro dunida ergay laba wadan safaaradahooda ka wada ergay ah

Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
Waxaan in badan ka maqley War-baahinta maxaliga ah ee jamhuuriyada Somaliland erayada ugu badan dhinaca safiirada (Safiirka Somaliland Iyo Soomaaliya), Arinkaasina ma,aha mid jira oo caalamiya sida caanka ah dunida Safiirku waxa uu kaliya wakiil ug
a noqdaa wadankiisa meesha loo diro yadoo la raaciyo waraaq ama wareegto Madaxweynaha wadankaasi ku soo suntay qabashada hawshaa, Waxa taa u dhiganta hay,adaha caalamiga ah iyo ururada Quruumaha Midoobey oo yaguna wadan kaliya u dirta Safiir, Balse dawladaha caalamka iyo hay,aduhuba ma isticmaalaan nidaam ah in laba wadan safiir kaliyaata loo diro.
Hadii aan ka istaago dhinaca qadiyada Somaliland oo yada ay ka go,an tahay wax la yeelashada Soomaaliya iney madnuuc tahay isla markaasina ay labadaasi kala aba-baxeen waxna aaney ka dhaxeyn, Markaa hadaynu ku hadaaqno Safiirka Soomaaliya iyo Somaliland u fadhiya dal hebel ama Hay,ad heblaayo, Sida (Englad, U.S.A, France, German, Belgium, Ama Hay,adaha caalamiga ah Sida Who, Unhcr, Ilo, Wfp,). Kuwani haday wakiilo u dirsadaan Soomaaliya yaga iyo inaga Somaliland ahaan kama dhaxeeyaan lamana odhan karo Safiirka u qaalibsan labadaa wadan kan uu ka yimidey ee wakaaladiisa uu sito ama hay,ada soo wakiilatey waxa loo asteeyey waa wadan kaliyaata .
Hadal-haynta ugu badan ee kalmadahani waxay carqaladeynasaa doonisteena ictiraafka buuxa ee caalamiga markaa waa iney ka waantoobaan war-baahintu maadama yagu ay yihiin kuwa ugu badan ee soo cel-celiya kalmadahani aan ku haboonayn dibloomaasiyada iyo nidaamka Aqoonsi-raadiska ee Somaliland ay ku jirto, Sidaa darteed waxaan baaq soo jeedin iyo dhambaal is-huwan isugu dareynaa bah-weynta saxaafada Somaliland kuwaasi arinkani ku calaamadeysmey, Waxaanen u soo jeedinaynaa in aaney Somaliland iyo Soomaaliya Waxba wada lahayn sidoo kalena aaney jirin xubno wakiilo oo ka wada dhaxeeyaa , Tani waa qodobada aan ka duulo een waliba ku doodno in aynu kala tagney meeshaasina aaney wax ugu hadhin umadani.
Saameynta Ay Leedahay Ereyadani.
Erayadani waxay riiqayaan tabacii Somaliland ay u soo gashey dalnimadeeda hada dhamayska tiran ee ay Ilaahey mooyaane aanu bina-aadam waxba yeeli kareyn, Waxa ay caqabad ku noqonaysaa wada hadalada Soomaliland iyo Somaliland oo xataa waxa dhici karta in hay,ad caalamiya loo wada saaro ama loo igmo si ay u dhex-dhexaadiso wada hadaladani, Waliba caqabada ugu weyni waxay noqon kartaa in Somaliland ay dabarto yadoo la cuskanayo wax wada yeelashadani waa hadii ay sii socoto erayadani.
Miyaaney Somaliland Ku Doodeyn Kama Mid Nihin???????.
Somaliland waxay go,aansatey oo ay qaraar dastuuriya iyo afti shacab ku gaadhey in aaney anfaceyn gabi ahaanba ka mid ahaanshaha Soomaaliya , Sidaa darteed ay ka noqotey yadoo dawladnimadii ay hore ugu keentay ay dib ula-noqotey, Iskeedna ay uga anba-qaadey dawladnimadii ay hore u aheyd oo ilaa Maxmiyadii Boqortooyada Midaway ay ugu timidey waliba saxeexeedii xornimada oo caalami ahi uu yaalo wadankan boqortooyada midawdey(UK), Marag cadna ay ka yihiin tan labaad xataa hadii carabka lagu sii badiyo hada ayey ina hantiyeysaa waayo hore waxba inooga mey dhaxeynin.
Horta Labadan Dal Miyey Isku Biireen, Midoobeen, Is-Raaceen???????????????
Labadan dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya xiliyadii ay is-raaceen kamey aheyn ujeedada hada la marin-habaabiyey ee layidhaahdo wey (Midoobeen) , midawgu waa marka wax laysla meel dhigo shuruudo la kala qorto yagoo shuruud walba dhinaca kale ku qanacsan yahay.
Ee wey (IS-raaceen), Labadan dal wey is-raaceen kumay heshiin iney midoobaan ama wax shuruud ah isku mey xidhin waayo waxaa aloosnayd jibo ama qiiro soomaalinimo tasaana arimahooda dadajisey labadan soomaaliyeed dawladahoodii, Tii aakhirkii muxubadii walaalnimo la kala eeday oo ninba dhinaciisa ula luudey.
(Iskumey Biirin), qodabkanina kumuu jirin isna labada dal waxyaabaha isu-geyey waayo wali waxa aan bislaan soomaalida oo dhan sidaa awgeed waa layska muxubo heesay uun.
Guntiyo gaba-gabadii waxaan leeyahay saxaafadu ha ka waantawdo erayadaasi waayo waxay inoo soo jiidaysaa waxyaabo ayna Somaliland galin, Xiligaa aayer uun baa lays raacey lama wada tashan , Waxba lama wada yeelan waa lay raacey oo kaliya xataa qodobo lagama dhigan arinkaasi, Hadaba cidi imika dhaheysa Safiirada Soomaaliland Iyo Soomaaliya ee dawladahaasi ama hay,adahaasi u qaabilsan waa cid dalkeeda wax ka xumaysay.
QalinKa: C/raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).
Diplomatic Annalism.
Gabiley/Somaliland.