Sunday, May 8, 2016

Madaxweyne Geele oo la caleemo saaray marii afraad xilka madaxweynimo





Madaxweynaha Jamhuuriyadda dawlada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa maanta loo dhaariyay madaxweynaha  shanta sano ee soo socota, bil ka dib markii uu ku soo baxay tartantii doorashada madaxtinimada ee dalkaasi. jabuuti ka qorsoon tay.
unaasabadda caleemo saarka, ayaa waxaa lagu qabtay Qasriga Ummada ee Magaalada Djibouti, waxaana ka soo qaybgashay wafuud kala duwan oo heer caalami ah sida, Madaxweynaha Somaliya, Madaxweynaha Sudan, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, wafuud heer Wasiiro, Wakiilo ka kala socday Wadamada Caalamka qaarkood iyo marti sharaf kaloo lagu soo casuumay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu dhaariyay madashii munaasabaddu ay ka dhacday, ayaa wuxuu ku dhaartay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoona wacad ku maray inuu daacad ugu adeegi doono dadkiisa.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa waxaa uu tilmaamay in si qaanuunka waafaqsan uu ugu shaqayn doono dadka reer Jabuuti, haddii ay siiyeen kalsoonida shanta sano ee soo socota inuu sii hogaamiyo dalka.
“Iyadoo aanu ku sii soconayno jiritaanka hay’adaheena dowliga ah wa aniga hortiina ku dhaartay iyo Ilaahay Eebe Wayne hortiisa inaan guto xilka madaxweynenimo, anigoo qaadaaya masuuliyadda mustaqbalka iyo aayaha shacbiga reer Jabuuti.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.
Madaxweyne Geelle, ayaa yiri “Shaqadan la’ii igmaday waxaan ku gudan doonnaa si waayo aragnimo ay ku dheehan tahay, anigoo og xilka culus, ee ay i saareen dadka reer Jabuuti, oo ah dadkeyga aan jeclahay markasta, markalana ii cusbooneysiiyay kalsoonida. Hadaba waxaa iga go’an inaan waajibaadkayga u guto sidooda, anigoo ku hogaamin doona shacabka reer Jabuuti si sharaf leh shanta sano ee soo socda.”

No comments:

Post a Comment