18 may 2016
Jamuuriyada somaliland ayaa u dabaaaldagsaya bari oo ay bishu tahay 18-5-2016 maalintii calankeeda dib uga soo noqotey dawlada somaliya kuwaasi oo isku biirey 1960 lixdankii markii ay Gobonimada ka qaateen dawladihii engiriiska iyo talyaaniga . ka dib cadaadis farabadan iyo dilal loogeystay shacabka reer somaliland ayaa suura galisay in dib loola soo noqdo xoriyadeedii ay engiriiska ka qaaaday 1960 ka dib dagaal xoogan oo dhexmaray shacabweynihii reer somaliland iyo dawladii gadhwadheenka uu ka ahaa AHN marxuum siyaad bari .
Taariikhda iyo 18 may 1991
In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhaddii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.
1960kii waa maalin ku suntan taariikhda somalia. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somalia inay
ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliyeed ee kasoo gaadhay gumeystayaashii isbaheystay. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 1960waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay leedahay.
Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.
Wakhti badan ku lumin inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somali soo martay tan iyo 1991kii.
Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.
Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool. Waxaynu wax ka soo qaadan doonaa khubdadii ay shirkaa ka jeediyeen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum Ibrahim Maygaag Samatar oo wakhtigaa ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.
Barnaamijkan oo noqon mid taxane ah oo aanu kaga qayb galayno xuska 18ka May waxa uu si taaxane ah ugu soo bixi doonaa wargeyska FOORE. Waxaynu barnaamijkan kaga sheekayn doonaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinacyada nabadgelyada, dibuheshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo dhinacyada horumarka ee ay Somaliland soo martay. Waxaynu sidoo ku soo qaadan doonaa hadaladii dhaxalgalka ahaa ee haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.
No comments:
Post a Comment