Sunday, May 22, 2016

[Suxufi gabdoon iyo sawirka uu ka qaatay hargeysa]






Weriya gaboon ,1967 muxuu kal a kulmay waadiganse liite leexada ku sidato iyo nin agoon ku xaday qallin.


Hargeya(jam)akhristayaasha intiina la socotay waxaanu cadadka jamhuuriya ee shalay ku baahinay waraysigii aanu la yeelanay Weriya Cabdi Xaaji Gabdoon oo ah weriya caana oo muddo dheer ka soo shaqeeyay idaacadii radio muqdisho hadaba weriya cabdi xaaji gabdoon oo ka jawaabay suaal ahayd sababta tii ku keliftay inuu sanadkii 1967 idaacada radio muqdisho ka siidaayo labadii heesood ee Waadigan Liite Leexadu ku sidato iyo nin Agoon ku  xaday Qallin ,iyadoo ay tartamayeen Alle ha u naxariistee Cabdirashiid cali sharmaarke iyo Aadan cabdule cismaan (aadan cadde) wuxuu yidhi ‘inaadeer qisada labadaas heesood an idaacada ugu sii daayay  waa qiso dheer waxaanay ahayd qiso dheer waxaanay ahayd layaab leh aniga oo ka shaqeeya radio muqdisho iyo radio hargeysa sida la socota 1967waxa somaliya ka dhacday doorasho oomadaxweyne ayaa la dooranayay dhibaatada jirtay waxay ahayd beel sooomaalida ka mida ayaa waxa lugu sheegay koofiyad dhuub oo ah inay yihiin gaalo raac oo cadwgii oo cadawgii wadanka ayay raaceen ayaana la yidhi waana beesha aan ka dhashay oo degta Galgaduud waxa la gaba gabeeyaba geelii ay lahaayeen oo la odhan jiray indhacade waxaana la  wareegay ciidamada daraawiishta ah waxaan loo gabagebeeyay jufo kale oo ay deris yihiin si looga xaraasho geela arrinta geelaasi guri kasta oo soomaaliya ka mid ahayd way gashay oo xitaa hargeysa way soo gaadhay ilaa odayaal udhashay hargeysa ,burco iyo berbera ay yimaadeen muqdisho iyaagoo jawwano lacaga sida oo ay utageen madaxweynaha markaas wadanka xukumayay ( Aadan cade ) oo ay ku yidhaahden geelaas hala sii daayo marka la sii daayana hadii dad kale geel ka maqanyahay lacagtan geel haluugu iibiyo ,laakiin nasiib daro ninkii madaxweynaha ahaa wuu diidey ,wuxuun ku yidhi geela iyo arintiisa waxa ku shaqo leh wasiirka arimaha gudaha oo ahaa cabdiqaadir maxamed aadan(cabdiqaadir soobe ) cadowtimadaas ayaa markaa beeshaa loo qaaday waxaanay gaadhay meel sare oo aan weligeed la gaadhin waayo waa markii uhoraysay ee gogal ladhigo meesha Burundi oo xaafadda wardhiigle ee muqdisho ka tirsan lagagana hadlo arinta irarism waxaana lagu go,aamiyey in geelaha lacagtiisa la bixiyo beeshaana geeloodii loo sii daaya  arintan waxay socotaba waxa la gaadhay doorashadii sheekadiina waxay gashay siyaasad  beeshiina way kacday markaas anigu waxaan ka shaqaynayay idaacada muqdisho waxaana haystay nin la odhan jiray jaamac  khalaf oo ka shaqayn laanta afka soomaaliga ee bbc da waxaana wasiirka warfaafinta ahaa yuusuf aadan bookax ,heesaha leexo,gufaaco,godoon waxa loo haystaa heeso jacayl oo inta badan waxa laga soo dalaban jiray barnaamijka imaqashii imadadaali oo uu madax ka ahaa Weli xaaji cali oo hada hargeysa jooga hargeysa jooga waxa uu wataa baabuur radio leh oo joogay muqdisho waxa jiray wasiir ka warfaafinta iyo raysal wasaaraha iyadoo  hayso doorashadii la gaadhay waxan madasha baarlamaanka ka soo waramay axmed faarax kaahin oo ka waramay sida doorashada loogu diyaar garoobayo markii uu dhameeyana aniga oo joogay stereo dhexe ayuu igu soo wareejinayay markii doorashadii ka dhex billaban tay baarlamaanka ayaa markii uhoraysay ee uu axmed dhameeyay warkiisiii ee uu igu soo wareejiyay ee aan ka faalooday siday doorashadu usocotay ayaan yidhi dhagaystayaal maxaan idunku madadaaliyaa dabadeetana heestan oo ah “ Inkastoo oo wadaada qabuuraha qaxwe kula wareegto illaahay wuxuu qoray baajin maayee quraanku nin agoon ku xaday qalin qaaxo kama fogaato .sababta aan heestan usoo daayay waxay ahayd maalimihii udambeeyay Aadan Cabdula Cismaan markuu arkay inay doorashadu ku xuntahay  waxa uu  daba geelku ahaada inta uu yidhaah do quraan akhristo waxaanay markan tartamayeen cabdirashiid waxa lugu doonayaa marka hore waxa uu ahaa nin muwaadin ah isla markaana aqoon yahan ah sidaas daraadeed waxa alle waxii kasa ee badalaya Aadan cade anagu waanu doonay naa qaybtaasi markay dhamaatay ee qaybtii labaad la galay ee ay  haddana isku barbardhaceen ee uu igu soo wareejiyay weryihii ayaa hadana yidhi dhagaystayaal maxaad iga sugaysaan dabadeedna waxaan sii daayay heestii ahayd Waadigan si liite leexadu ku side adba la,aan cuskanaye maxaa ludhay naftaada labadii walaale midba maalin ladaye tallogeed ku laashe muxuu ludhay naftaadii.
Shacbigii ayaan qaylyay oo geedaha qoyan goostay waxanay dareemeen  in cabdirashiid soo baxayo dabadeedna waxa lugu celiyay wareegii sedexaad ,waxaana cabdirashiid ka ku helay hal cod oo uu madexweyne ku noqday markii ay cadaatay in cabdirashiid helay ayaa waxaan haddana  saaray heesta ah Aan maalmo hasheeno Maandeeq.

No comments:

Post a Comment