Wednesday, May 4, 2016


Buuga waa maxay dowladnimo

By:Abdiladif maxamuud Cumer

Cutub ka mida ila wadaag.
---------------------------------------------------------------
Sababta igu kaliftay inaan qormadan ka soo qaato buuga:-
1- Maalinta qarinimada wadankeena soomaaliland oo soo dhaw (18-5-2016).
2- Wariyayaasha yimid dalkeena.
--------------------------------------------------------------
Chapter: Tiirarka Dowladnimo
------------------------------------------------------------
1- Dhul 2- Dad 3- Siyaada(soveriegnty) 4- Aqoonsi caalamiya 5- Xukuumad 6- Xornimo.
------------------------------------------------------------
4- Aqoonsi Caalamiya.
b- Qeexida aqoonsi caalamiya.
t- Fahanka aqoonsiga caalamiya.
j- Fahanka aqoonsi caalamiya ee Xukuumadaha.
X- Shuruuda aqoonsiga caalamiya.
kh- Qaababka aqoonsiga.

Fiiro gaara.
(Iyadoo buuga sidaa ku ay ka faahfaahsantahay waxan jeclaystay inaan intan idinla wadaago).
b- Qeexida aqoonsi caalamiya..
Waxa uu ku qeexay machadka sharciga caalamiga shirkii lagu qabtay Boroksel 1936 ( waa Ficil xora, oo ay qirayso dowlad ama dowlado jiritaanka koox le nidaam siyaasiya oo dagan dhul gaara, oo gooni u taagan isla markaana awood u le ilaalinta sharciyada caalamiga ah.
Waxa lagu qeexay qodobka 10 heshiiskii Bogota, kaas oo ay sexeexday dowlada Maraykanka 1948.( Aqbalaada dowlad
Isla markaana siin dowladdaa waxa uu sharciga siiyay ee waajib iyo xuquuq ah.
Dr Suhayl Fatalaawi waxa uu ku qeexay aqoonsi caalamiya( Ficil sharciya oo koobsanaya aqbalaada xalaad gaara, ficilkaas oo yeelanaya saamayn sharciya oo go an dhinaca wax aqoonsanaya iyo la aqoonsadahaba.
t- Fahanka aqoonsi caalamiya.
(Waa ficil xora oo ka soo baxa dowlad ama dowlado, kaas oo qeexaya jiritaanka dad iyo dowlad dhul gaara ku nool. Dadkaas oo haysta siyaasad iyo xornimo dhamaystiran, isla markaana oofinaya shuruucda caalamiga).
j- Shuruudaha aqoonsi caalamiya.
1- Maamulid dhamaystiran dhamaan dhulka iyo shacabka ay sheeganayso dowladaasi.
2- Inay lahaato dastuur cusub.
3- Ka tirtirid xukunka dhamaan xukuumadii hore.
kh- qaababka aqoonsi caalamiya.
1- Aqoonsiga Tooska:-
Waxa looga jeedaa inay dowlad aqoonsi toosi siiso dowlad cusub iyada oo usoo diraysa warqad ama bayaan ay ku cadaynayso inay aqoonsatay.
2- Aqoonsi qaybeed.
Waa aqoonsiga ay dowlaha qaar siinayaan dowladaa aqoonsiga raadinaysa. Tusaale ahaan
a- xidhiidh diblamaasiya oo hoose sida keenis qunsulo wadankaas.
b- heshiisyo caalamiya oo ay la galaan dowladaa cusub.
-------------------------------------------------------
By AG....

1 comment:

  1. waa fikir wanaagsan dr gadhle waanad ku mahadsan tahay tibaaxa dawladnimo

    ReplyDelete